allhawd.com

Peace and Unity

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
allhawd.com

Dhamaan Dhinacyada SSC, Isimoland & Golayaasha Odayaasha oo Ku Guuldaraystay Inay jawaab Waaffi Ah Ka Bixiyaan Baaqii Wadahadal ee Madaxweyne Siilaanyo

E-mail Print PDF

Xilli ay in ka badan 70 saacadood ka soo wareegtay baaqii wadahadal ee uu Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay dadweynaha SSB ee aan ku qancin Somalilland ayaa ilaa hadda waxa ay dhamaan dhinacyadii la sugayey inay hawshaasi wax ka yidhaahdaan waxa ay ku guuldaraysteen inay wax jawaab ah ka bixiyaan Baaqaasi, waxaana arintu u muuqataa inay labada dhinac sii kala durkayaan ka dib markii Xukuumaduna Magacaabatay Golaheedii wasiirada, Maamulka SSC isna soo saaray wareegto uu ku sheegay inay maamul gobol u sameeyeen Buuhoodle & Nawaaxigiisa.

Last Updated on Saturday, 31 July 2010 12:15 Read more...
 

Heshiiska ONLF Ay La Gaadhay Itoobiya Waxaa sababay Nacaybka Ay Beesha Harti u Gaysatay ONLF

E-mail Print PDF
Waxa maalintii Arabacada ahayd ee lasoo-dhaafay BBC-da laanteeda Afka Somaaliga ah kahadlay oo kulna lala-yeeshay ninka Sooyaan layidhaahdo, oo ah nin kamid ahaa golaha dhexe ee ururka ONLF ee dagaalka qadhaadh kualjirey Itoobiyada katalisa gobollada Soomaalidu leedahay ee haddan kamid ah dalkaas  Iitoobiya, assaga oo urukaasi ujeedo inuu dhulkaas ka-kacsho Xabashidaas xoog-ga kuhaysata.
 
Mudane Sooyaan waxa uu sheegay, in isla-maalintaas xadhig-ga Jigjiga laga-soodaayey, assaga iyo niman kale oo kolkaas uu sheegay inay barbar-fadhiyeen, oo kamid ahaa golaha dhexe ee ururka ONLF. Mudane sooyaan waxa uu sheegay in ururkoodu iyo tala-haynta Iitoobiyaa ay gaadheen heshiis xabbad-joojin ah oo dhawr bilood socon-doona, waxana uu sheegay in ciidanka ONLF ay dhowaantan hubka iska-dhigeen, oo ay dhibaatooyinka ay kaga-cabanyaan talinta (xukuumad-da) Iitoobiyaa daw ama jid nabad ah u-mari-doonaan, haddeer iyo inta ka-dambaysa.
kaydd sahal qowdhan"
Last Updated on Thursday, 29 July 2010 13:16 Read more...
 

Goalaha Wasiirada Somaliland oo Lagu Dhawaaqay

E-mail Print PDF

Madaxwaynaha cusub ee talada dalka la wareegay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa goor dhawayd ku dhawaaqay golaha wasiirada xukuumadiisa, isagoo ku sugan madaxtooyada jamhuuriyada Somaliland. Golahan wasiirada ee cusub oo ka kooban 20 wasiir iyo 5 wasiir ku xigeen.

Liiska Golaha wasiirada ee xukuumada Axmed Siilaanyo waa ku hoos ku qoran:

Last Updated on Wednesday, 28 July 2010 13:29 Read more...
 

Wasiirada Ganacsiga & Boosaha oo Loo Xambaariyey Sool & Reer Buuhoodle oo Mar Kale Wasiir Ku Xigeen Loo Tuuray

E-mail Print PDF

Iyadoo maanta lagu dhawaaqay Xukuumadii Cusbayd ee Somaliland ayaa waxaa mar kale Qorshe Fiiqan loo asteeyey Deegaanada SSB ka dib markii la siiyey 2 wasiir & 1 wasiir ku xigeen, waxaana sadexdooduba ay yihin wejiyo cusub oo kala noqon doona wasiirka Ganacsiga, Wershadaha & dalxiiska C/risaaq Khaliif oo ahaa wakiilkii Xawaaladda Amal ee Somaliland, Wasiirka Boosaha C/risaaq Ibraahin oo ahaa Mulkiilahii Hotel Attaash & Wasiir Ku Xigeenka Arimaha Gudaha Cismaan garaad Soofe.

Last Updated on Wednesday, 28 July 2010 13:22 Read more...
 

Madaxweynahii Reer Buuhoodle oo Xilkii Loo Dhaariyey

E-mail Print PDF

Madaxweynahii 4-aad ee Somaliland Axmed Maxamed maxamuud Siilaanyo oo ka soo jeeda dhanka Gobolka Togdheer gaar ahaan Degmada Buuhoodle oo uu ku yaallo balliga Kulmiye oo Duleedka Ballicalanle ah oo Loogu magacdaray Xisbiga talada qabtay ayaa loo dhaariyey jagadaasi, Munaasabadda xil-wareejinta oo ka dhacday qasriga madaxtooyada ee Somaliland waxaa ka qeybgalay mas'uuliyiinta ka tirsan xisbiyada siyaasadda, golleyaaasha Somaliland iyo wafuud ka kala socota dalalka Djibouti, Kenya iyo Ethiopia. Daahir Rayaale, madaxweynaha xilka ka dagaya iyo Madaxweynaha cusub Axmed Siilaanyo ayaa khudbado kala duwan ka soo jeediyay munaasabaddaasi. Mudane Daahir Rayaale, ayaa soo dhaweeyay Siilaanyo wuxuuna u balanqaaday inuu la shaqeyn doono. Sidoo kale Siilaanyo ayaa isna u mahadceliyay Daahir Rayaale, wuxuuna dhanka kale dadka Somaliland ka codsaday in gacan ka siiyaan xilka cusub ee loo magacaabay.

Last Updated on Wednesday, 28 July 2010 12:14 Read more...
 

Dagaalo Xalay & Maantaba Ka Dhacaya Deegaanada Widhwidh

E-mail Print PDF

Dagaalo la sheegay inay dhaliyeen khasaare labada dhinac ah ayaa 24-kii saacadood ee la soo dhaafay waxa ay ka dhacayaan nawaaxiga Degmada Widhwidh ee Deegaamada Buuhoodle, waxaana ay dagaaladaasi dhexmarayaan Ciidanka Qaranka Somaliland & Kooxo hubaysan oo Somaliland-Diid ah oo beryahanba xarumo ka samaysanayey gobolkaasi, waxaana dagaalku uu xalay & saakaba ku barraahsaday gudaha magaaladaasi Qaddiimka ah ee Widhwidh iyadoo qaybtii hore ee dagaalka la sheegay inay Ciidamada kooxdaasi soo weerareen gudaha magaalada oo ay fadhiyeen Ciidanka Qaranku, hase yeeshee goor dambe oo maanta ayaa dib looa saaray kooxdaasi hubaysan gudaha magaalada ka dib markii ay Ciidanka Qaranka ee Aagga Sool fadhiyaa ay gurmad tayo leh u sameeyeen Ciidankooda fadhiyey gudaha magaaladaasi.

Last Updated on Monday, 19 July 2010 12:31 Read more...
 


Page 3 of 107

news