Xulka dalka Germany ayaa todobaad gudihiis mar labaad soo bandhigay waxyaabo lagu tilmaami karo Mucjisada Ciyaaraha Kubadda cagta ka dib markii uu galabta si aan cidina filanayn uga talaabsaday Xulka dalka Argentina oo ku sagootiyeen 4 vs 0 ciyaar ay iskaga horyimaadeen wareegga 8 kooxood ee koobka adduunka 2010, waxaana ay kooxda Germany Todobaadkan Bilowgiisii natiijo intaasi oo kale ah ay kaga badisay Xulka England.






Ka dib Ciyaaro farsamaysan oo ay soo bandhigtay kooxda Ghana intii lagu jiray Ciyaaraha Koobka Adduunka ee 2010 ayaa waxaa lagu reebay ciyaartii ay xalay la yeesheen Kooxda labada jeer ku guulaysatay koobka adduunka ee uruguay, waxaana la isla gaadhay Rigoorayaal ama kubadda gool ku laadka loo yaqaano taasoo 2 kubadood ay khasaarisay kooxda Ghana.
ulan aad u qadhaadhaa oo ay galabta xiliga Afrika wada yeesheen kooxaha Holland & Brasil ayaa waxa uu joojiyey Riyadii ay Brasil ku doonaysay inay mulki u yeelato koobka kubadda cagta adduunka ee hadda oo ay labo jeer oo hore ku guulaysatay hadii ay hadda qaadi lahaydna ay u hantiyi lahayd sidii kii hore ee ay qaadatay sanadkii 70-kii, ka dib markii ay kooxda Holland 2 gool & waxba kaga badiyeen, taasina ay keentay in Holland u baxdo wareegga 4 kooxood, kooxda Brasil-na ay sidaasi uga hadho koobka 2010.
Xilli maanta ay garoomada Koonfur afrika ka bilaabanayaan kulamo la odhan karo waa kuwii ugu adkaa ee wareegga 8 kooxood eeu dambeeya koobka adduunka ayna isku haleelayaan kooxaha ugu adag qaaradaha laatiin Ameerika, Europe & Afrikada Madow ayaa dhanka kale waxaa aad looga werwersan yahay doorkaay natiijada ku yeelaan karaan go'aamada garsoorayaasha ciyaarahaasi, ka dib markii ciyaarahii u dambeeyey 16-ka kooxood ay ceeb & fadeexadka xambaaratay FIFA halkaasi.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada, Ciise Yusuf Maxamed, ayaa uga dhawaaqay munaasabd weli ka socota Maansoor, in Axmed Maxamed Silaanyo, uu ku guuleystay doorashada Madaxtinnimada Somaliland.