allhawd.com

Peace and Unity

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
allhawd.com

Israel oo Ku Hanjabtay Inay Weerarayso Iran, Suuriya & Xisbullaah

E-mail Print PDF

Iran Waxay Muddo Sadaxe sano ah gudahood awoodi Doontaa inay Duqayso Wadamada yurub & Maraykanka.

Dawladda Yibraha ayaa shalay lajadeedii la yaqaanay ku hanjabtay inay weerari doonto wadamada Iran, Suuriya & weliba xarakaadka kale ee Xisbullaah & Xamaas si ay u burburiso dhismaha barnaamijka Nuclier-ka ee Iran sida uu sheegay ku xigeenka rasalwasaaraha yuhuudda Gen. Moosheeh Yugaaluun. halka sidoo kalena uu shalay soo saaray machadka Daraasaadka istiraatiijiyadda caalmiga ah ee London in Iran oo Islaami ahi ay muddo 10 sano gudahood ah gaadhi doonto inay Duqayso Gobolada bari ee maraykanka.

Last Updated on Tuesday, 11 May 2010 11:21 Read more...
 

Col, Weyrax oo Saaka Ku Geeriyooday Hargaysa

E-mail Print PDF

Col, Maxamed Maxamuud Weyrax oo Lagu Naanaysi Jiray (Col, Weyrax) kana mid ahaa sraakiisha dhanka Ciidamada ee sanadahii dambe ugu caansanaa safafka Milateriga ayaa saaka ku geeriyooday Caasimada hargaysa oo uu arimo caafimaad ugu sugnaa muddo sanado ah, waxana marxuumka uu aaskiisu hadda ka socdaa xabaalaha Naaso hablood ee Magaaaladaasi Hargaysa, Innaalillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Last Updated on Saturday, 08 May 2010 12:58 Read more...
 

138 aqoonyahan oo loo dhaariyey inay la shaqeeyaan Komishinka Somaliland Laascaanood

E-mail Print PDF

Tababar socon doona mudo laba maalmood ah ayaa loo qabtay dad tiradoodu gaadhayso ilaa 138 qof oo ka mid noqon doona dadka uga shaqayn doona kumishinka doorashooyinka somaliland kaadh badelista gobolkan Sool. Tabababka oo ay soo qabanqaabiyeen gudiga komishinka doorashooyinka somaliland ayaa maanta lagu qabtay hoolka shirarka ee dugsiga sare ee Muuse Yuusuf eevmagaalada Laascaanood ee xarunta gobolka sool,Waxaana tababarkan bixinaya xubno ka tirsan gudiga kumishinka doorashooyinka iyadoo lagu fahansiinayo sidii ay u badeli lahaayeen kaadhadhkii hore ee diwaaan gelinta ee dadka horay loo siiyey wakhtigii diiwaangelinta.

Last Updated on Tuesday, 04 May 2010 14:14 Read more...
 

Iran oo Ku dhawaaqday Inay Samaysatay Mashiin Ridi kara 4000 oo gantaalaha Cruz-ka ah daqiiqdiiba

E-mail Print PDF

Wasiirka Difaaca ee Iran Axmed Waxiidi ayaa ku dhawaaqay  maalintii shalay ee Axadda in wadankiisu ku guulaystay inay samaystaan Mashiinka Ridaya gantaalaha ka hortaga sawaariikhda ee Cruz kaasoo ay daqiiqadiiba ka dhacayaan 4000 oo gantaal, halka uu sidoo kalena sheegay inay khubarada reer Iran ku mashquulsan yahiin sidii ay u soo saari lahaayeen qalab ka sii casrisan oo laga hagi karo gantaalaha kale ee Ridada gaaban, Ridada dhexe & ridada fog.

 

Last Updated on Monday, 03 May 2010 12:28 Read more...
 

Liiska Saraakiisha Shabaab ee Ku Waxyeelowday Qaraxii Shalay & Fu'aad Shongolle oo Ku eedeeyey Shirkadda Black Water

E-mail Print PDF

Amiirka Al-Shabaab ee Banaadir & labada Shabeelle Fu'aad Mohamed Khalaf (Ina Shongole) oo ka soo jeeda Deegaanada Puntland ayaa Masjidka dabaqiin ee Suuqa Bakaaro qeybta Cabdulle Shideeye laga qaaday isagoo ku dhawaaqayay AAWEEN MUJAAHIDIINTII,ABUU MARYAMA MA DHINTAY,ABUU MEYMUUN MA DHINTAY. Fu'ad Shongole waxaa burbursanaa garabka bidix ilaa wajiga,waxaa laga soo dhex saaray meeydadka 42 qof iyo 38 dhaawaca oo badankood ay ahaayeen Saraakiisha Al-Shabaab kadib markii Masjidka dabaqa kore iyo kan hoose ay saameeyeen sedex qarax is daba joog ahaa,wuxuuna nin ka badbaaday indhahiisa ku arkay Fuad oo dhiig buuxiyay isaga iyo kursigii uu ku fadhiyay.

Last Updated on Sunday, 02 May 2010 14:34 Read more...
 

Amiirkii Shabaabka ee Banaadir & Labada Shabeelle oo Qarax lala Beegsaday

E-mail Print PDF

Laba qarax oo waaweyn oo ka dhacay Masaajid weyn oo ku yaalla Qaybta Cabdalla Shisheeye ee Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 10-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 20-qof oo kale oo uu ku jiro Amiirkii Shabaabka ee Banaadir & labada Shabeelle Fu'aad Shongolle.

Last Updated on Saturday, 01 May 2010 16:08 Read more...
 


Page 10 of 107

news