allhawd.com

Peace and Unity

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Hawlwadeenadii Warbaahinta Buuhoodle oo Daafaha Caalamka Ku Kala Fiday

E-mail Print PDF

Xilli ay xarunta Warbaahinta Buuhoodle ka aflaxeen suxufiyiin tayadoodu sarayso oo gudaha & debadaba ka muuqday ayaa dhanka kale weriyayaashii ^ hawlwadeenadii warbaahinta Buuhoodle waxa ay kala gaadheen daafaha caalamka,Cabdirashiid Xuseen Maxamed (Galbeedi) oo ahaa  hawlwadeen ka tirsanaa Warbaahinta Buuhoodle oo ku sugan hadda Dalka Holland, Luqmaan Xamse Gaadaweyne oo dhowaan gaadhay Canada, Jamaal Ciise Maxamed oo jaamacad kaga jira Malaysia & Cabdiqani Xamse oo isna jaamacad ka dhigta Pakistan.

Dhamaan dhalinyaradaasi ayaa hadda ku hawlan horumarka aqoontooda waxaana la rajaynaya inay dhowaan ka qayb qaataan horumarinta deegaankooda & dalkooda Hooyo.

Marka laga tago suxufiyiinta qurbaha u baxay ee ka tirsanaa warbaahinta Buuhoodle waxaa kaloo gudaha ku sugan Weriyayaal qaaday talaabooyin muhiim ah oo shaqadooda saxaafadeed ah sida weriyaha Cabdiraxmaan Cumar cabdi Haaruun oo saxaafadda muuqaalka ee caalamka ka hawlgala runtiina ammaan ku mutaystay kartidiisa, Weriye Mustafe Xuseen Jibriil Caateeye oo ka hawlgala xarunta warbaahinta Buuhoodle & weriye Cabdirisaaq Maxamuud cali oo aasaasay Xarunta Machadka nabadda & waxbarashada ee Ileys Buuhoodle.

Allhawd.com

Last Updated on Monday, 18 January 2010 13:47  

news