allhawd.com

Peace and Unity

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Jaaliyadda Debadda Qaarkeed oo lagu Dhaliilay Dhaqaalahii lagu Ururiyey Magaca BYVA ee Debadda lagu Lunsaday

E-mail Print PDF

Xilli ay xubnaha jaaliyadda ee Buuhoodle inta badan ka hadlaan in horumarka laga qayb qaato ayna suurogal tahay in weaxii markaa soconaya ay gacan ka gaystaan ayaa hadana dhanka kale waxaa jira dabagal la'aan & xisaab celin la'aan ay sameeyaan inta badan dadka lacagtaasi bixiya & kuwa ururiya ee isla jaaliyadda ah taasoo keenta in barnaamij kasta uu qabyoodo oo aan la kala saarin xumaanta & wanaagga, iyadoo weliba ay tani kor u sii kacday dhowaan markii ay debadda ku qabyootay dhaqaale lagu ururriyey magaca ururka dhalinyarada ee BYVA Buuhoodle oo waxqabad muuqda ka qabtay gudaha Buuhoodle hase yeeshee dhaqaalahii debadda looga sameeyey uusan soo gaadhin gudaha dalka sida ay baraha internet-ka ee ay reer Buuhoodle ku kulmaan qaarkood ka cadeeyeen xubno sheegay inay ka nid yahiin garabka debadda ee BYVA, halka arintanina ay shaarica Buuhoodle ka noqotay mid aad looga hadalhayo keentayna in lagu soo qaado kulanka todobaadkiiba mar ay sameeyaan golaha aqoonyahanka Buuhoodle.

gudida aqoonyahanka Buuhoodle ayaa falanqayn dheer ka bacdi waxa ay sheegeen in arintani ay tahay mid aan laga aamusi karin isla markaana aan loo dulqaadan karin in waxqabadkii & dadaalkii BYVA debadda laga burburiyo, halka ay werwer ka muujiyeen niyadjabka ay xubnaha BYVA ku keeni karto talaabadaasi & weliba dareenka ay ku dhalin karto dadkii laga ururiyey dhaqaalahaasi waxaana ay soo jeediyeen talooyinkan"

  1. In la helo guddi jaaliyadda ka tirsan oo dabagal ku sameeya halka uu dhaqaalahaasi ku qabyooday
  2. In hadii ciddi dhaqaalahaasi lagu ogaa ay hayso loo soo gudbiyo qorshahii loogu talogalay
  3. In hadii uu dhexda ka baxay dhaqaalahaasi la cadeeyo oo banaanka la keeno warbixintiisa oo dhan.
  4. In guud ahaanba jaaliyaddu ka fiirsato barnaamijyada gudaha ka socda & qaabka ay uga qayb qaadan karto ana u taageeri karto, ayna xidhiidh la sameeyaan xubnaha jaaliyadda ka tirsan ee gudaha ku sugan oo xaqiiqada og.
  5. In taageerada waxqabad loo kala horaysiiyo sida ay u kala muhiimsan yihiin.

Allhawd.com

 

Last Updated on Wednesday, 20 January 2010 12:13  

news