allhawd.com

Peace and Unity

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Sirdoonka Maraykanka oo Ku Dhawaaqay In Iran Ay Sii waddo Samaysashadeeda Hubka Wax baabi'iya

E-mail Print PDF

warbixin cusub oo ay si wada jir ah u soo saareen hay'adaha dhanka basaasida ee maraykanka ayaa waxa ay sheegaysaa in ay hayaan cadaymo muujinaya in Iran ay sii waddo samaysashadeeda barnaamijka Hubka Nucli-erka laakiin aanay wax talabo ah u qaadin inay hesho Qumbalad Durriyah, waxaana ay guud ahaan hay'adahasi sirdoonka maraykanku ay meel fog dhigeen isu soo dhowaanshahii dhanka basaasida ee ku aadanaa arinta Iran ee ka dhexeeyey Qunyar socodka maraykanka & Xulafadooda Reer yurub. 

Mas'uul sare oo maraykan ah oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego oo ay soo xigatay jariirada Alquds ee London ka soo baxda ayaa sheegay inay iyagu ka hadlayaan baadhitaanada ay waddo Iran laakiin aanay raadraacayn barnamijka guud ee Iran ee dhinaca Quwadda Nuclier-ka & inay samaysato Qumbulad, arintase muhiimka noo ahi waxa ay tahay buu leeyahay in ay taabacayaan oo ay si gaar ah isha ugu haynayaan hadii uu hadh ka galo baadhista Iran ay waddo.

Ameerikaanku waxa ay ku rajo weyn yihiin in warbixinahani ay wax ka taraan qorshe ay horgayso golaha amaanka oo ay ugu xusulduubayso in cunaqabatayn ay ku soo rogto jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iran oo diiday in debadda la geeyo keydkeeda Yuraaniyamka si loogu soo baadho.

Allhawd.com

Last Updated on Wednesday, 20 January 2010 14:58  

news