Iyadoo ay saaran tahay saacadii uu Garaadka dhigayey gogosha shirka Holhol Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil uu u qabtay in la furo shirka Holhol ayaa waxaa muuqata inay madashaasi tahay mid haawanaysa oo Isimadii loogu talogalayna aanay imanin dhanka xarunta gobolka Sool iyana aan wax hadalhayn ah laguba haynin, waxaana jirta in isimadii Boosaaso ka soo degay ay ku mashquuleen arimo ay ka mid tahay dilkii Ganacsade Maxamed Cabdi Jibriil oo Ka mid ahaa dhalinyaradii ugu qaalisanayd cahdigan oo lagu toogtay Boosaaso saacado uun ka bacdi markii ay gaadheen Garaad Jaamac Garaad Cali & garaad Cabdilaahi Garaad Soofe, waxaana carrabka lagu adkaynayaa in Isimadii ka yimid dhanka banaanka qaarkood ay Madaxweyne faroole kala qayb galeen xus gaaban oo loo sameeyey sanadguuradiisii koobaad ee uu xilka qabtay, halka Isimada barraahsaday garoowe tan & waxii ka dambeeyey Oct 15.07 ay iyana talo midaysan la qaadanayaan Madaxtooyada Garoowe si ay kulanka ula yimaadaan hadiiba uu qabsoomo, xilli ay Isimada dusha sare ka soo Qooraansanayay Holhol ee Buuhoodle ku sugnaana ay sidii Col Lug & faras ah oo aan wada socon ay ku gaadheen Dhanka Garoowe iyagoo kala xambaarsan afkaarta labada garaad ee Guud oo ay xidhiidh la kala leeyihiin, waxase arintan & gurdankan soo afjaray iyadoo kulankii uusan ku qabsoomin sidii uu u qoondeeyey garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo sida ay baahisay shabakadda wararka ee Holhol.net aan wax wada shaqayn ah oo shirkaasi ku saabsan la yeelanin maamulka Gobolkaasi Sool oo Ruqsad uu bixiyo la'anteed aanay Suurogal noqonayn in kulankaasi la bilaabo isagoo garaadku hore u sheegay in kulanku qabsoomayooo furmayo maanta\ ((Anigoo tixgelinya duruufaha iyo Isimada socdaalkoodana, wuxuu shirku si rasmi ah u furmi doonaa 22 bishan January 2010. hadii Allaha weyne ogolaado.Beesha SSC gudo iyo dibedba waxay isha ku hayaan oo wada dhowrayaan go'aamada la filayo inay kasoo baxaan shirkan.Wabillaahi Towfiiq..)) ayuu yidhi garaad Jaamac Jan 18.10.
Iyadoo la ogaa in Garaadka guud ee SSB uu caleemosaarkiisii ka bacdi qorshe hawleedkiisii ka bilaabay mideynta beesha SSB kuna baaqay kulan balaadhan oo Laascaanood lagu qabto Oct 15.07 markii dambena kulankaasi qabyooday ayaa hadana waxaa indhaha lagu hayaa bal hadiiba uu Garaad jaamac Garaad Ismaaciil dhamaystiri karo qorshihiisa koobaad ee uu caleemosaarkiisii ka bacdi ku dhaqaaqay oo ah mideynta fikirka Isimada SSB.
Allhawd.com





