allhawd.com

Peace and Unity

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Ciidanka qaranka Somaliland oo Gudaha u Galay Holhol

E-mail Print PDF

Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa Saaka Waxay gaadheen hohol oo ka tirsan  gobolka sool halkaas oo in dhawaydba ay isku urursanayeen odayaal u dhashay gobolka sool, Ciidamada amaanka ee Somaliland ayaa saaka amar lagu siiyaay in ay u ruqaan sadaan dhinaca holhol waxaana wararku sheegayaan in hada ay lawareegeen guud ahaanba holhol halkaasi oo ay ku sugnaayeen odayashaasi.

Gudoomiyaha gobolka sool faarax askar Xuseen ayaa isagu hada ku sugan holhol,mar aan khadka telphoneka kula xidhiidnay wariye ku sugan halkaasi ayaa waxaa uu noo xaqiijiyay In Ay ku sugan yihiin cidamada qaranka somlailand.


Waxaa kale oo wararku sheegayaan in ay ciidamada qaranka Somaliland ay la wareegeen degmada Tukaraq oo ay hore u joogeen ciidamo ka tirsan maamulka puntaland.


Wixii wara ee ka soo kordha kala soco shabakada holhol news

 

Allhawd.com


 

Last Updated on Sunday, 24 January 2010 15:38  

news