Somaliland oo Si Diblumaasiyad Leh Ku Soo Afjartay Xiisadii Holhol

Wednesday, 27 January 2010 16:21 xusen
Print

Xilli ay Somaliland dhanka Dimuqraadiyadda ka gaadhay meel aanay 22 wadan ee carbeed ka gaadhin oo ay si rasmi ah uga dhex muuqatay gobolka taasna ay ku kasbatay iyadoo muwaadinka Sl uu yahay ka gooya go'aanka doorashada ee ku aaddan cidda madaxweyne u noqonaysa, cidda u metelaysa golayaasha baarlamaanka @ weliba ciddii wakiil uga noqon lahayd golayaasha deegaanada dawladaha hoose ee degmadiisa ama tuuladiisa ayaa dhanka kale todobaadkan waxa ay Sl qaaday talaabo diblumaasiyadeed oo hadana gudaha ah oo ay ku xallisay xiisadii Holhol oo ay Isimoland ku doonayeen inay kaga dhawaaqaan go'aamo ka soo horjeeda Qaranimada SL.

Dhinacyada siyaasada ee Heer Qaran ayaa midnimo ka muujiyey xiisadn xalinteeda waxaana wadahadalada lagu dhameeyey loo xilsaaray Gud/xigeenka baarlamaanka SL Baashe Maxamed Cadde oo ka soo jeeda xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye, heshiiskaasoo muujinaya in isimadu aanay kulan ka soo horjeeda Qaranimada Sl ku qaban karin ciidda Sl isla markaana ay Xukuumadda SL u ogolaato isimada inay nabadgelyo kaga baxaan Holhol hadii ay ku ii sugnaanayan gudaha wadankooda hooyo & hadii ay doorbidayaan noloshii Qaxootinimada ee Garoowe ama Qurbaha.

Si Kastaba ha ahaatee iyadoo hadda ay xiisadaasi soo afjarantay ayaa dhanka kale waxaa gobolkaasi ku sii qulqulaya wufuud heer sare ah oo isugu jira xukuumadda & Baarlamaanka kuwaasoo gacan ka gaysanaya baadhitaanada loogu jiro qaraxyadii is xigay ee dhowaan ka dhacay gobolkaasi.

Allhawd.comĀ 

Last Updated on Wednesday, 27 January 2010 16:45