Alqaacida oo yemen u Loogtay Malaayiin Doollar ( Qalinkii Xuseen Kurdi)

Friday, 29 January 2010 11:20 xusen
Print

Kulankii beesha caalamku ka lahayd arinta Yemen ee ay isugu yimaadeen in ka badan 20 wadan oo u soo diray wasiiradoodii arimaha debadda laguna martigeliyey England ayaa waxaa la xaqiijiyey inuu socday muddo labo saacadood ah keliya taasoo noqotay arin aad loola yaabo una muuqata inay xaajadu tahay labo arimood midkood.

  1. In Britian oo shirka martigelisay ay horeba u meel u dhigtay talaabooyinka lagama maarmaanka ah in laga qaado yemen, ayna la socodsiisay Washington, wadamada kale ee ka soo qayb galayna gaar ahaan Carabta aan looga baahnayn wax ay aqbalaan ama fulintooda arimahaasi ay tahay mid aan la weydiisanayn ee ay ku khasbanaan doonaan.
  2. In Xaaladda Yemen aanay ahayn sida in badani rumaysan tahayba.

Wasiirka arimaha debadda ee Yemen Abuubakar Alqurabi ayaa yidhi ( Ka soo qayb galayaasha waxaa u suurogashay inay muddo labo saacadood ah ku gaadhaan guul aan shirarkii hore lagu gaadhi jirin waxaana midhaha soo baxay ka turjumayaan dalabaadkayagii  ku aadanaa horumarka dhaqaalahayaga & adkaynta shuraakada aanu la yeelanayno saaxiibadayada))

Hillary Clinton oo aad moodaysay inay ka hadal cadayd Alqurabi ayaa iyana tibaaxday shuruudaha laga doonayo in yemen ay fuliso ka hor inta aanay wada gaadhin caawimada dhaqaale & ta siyaasadeed ee loo ogolaaday sida isbedelo ku aaddan furfuris dhaqaale, la dagaalanka musuqmaasuqa, ixtiraamidda xuquuqda aadanaha, xilli fulinta shuruudahani ay u baahnaan doonaan in yemen oo dhan la bedelo sida isbedel dawladda lagu shaandheeyo & qaab dhismeedka qabaliga ah oo aasaas u ah yemen oo laga saaro meesha.

Yemen oo halka ay khariiradda caalamka kaga taallo aanay aqoonin in badan oo reer Yurub ah & in kale oo  reer ameerika ahi waxaa ay hal mar noqotay arinta ka taagani ta ugu hadalhaynta badan marka loo eego idaacadaha caalamiga ah, wargeysyada & weliba shaashaaha television-ada, kelmadda sirta ahina waa ALQAACIDA ka dib markii dhowaan nin dhalinyaro ah oo reer Nigeria ahi uu soo maray wadankaas oo uu u soo gudbay Ameerika si uu u qarxio diyaarad ay leedahay shirkad madani ah oo maraykan ah.

dadweynaha yemen oo sanadihii u dambeeyey noqday shacabka ugu faqrisan shucuubta carbeed weligood ma ay daynin inay dhaqaale & taakulo ka dalbadaan deriskooda khaliijiyiinta ah ee qaniga ah & wadamada kale ee Deeqaha bixiyaba laakiin ma ay heli jirin wax jawaab ah oo ku soo noqda, weliba xiligan oo ishii dhaqaalahoodu ku xidhnaa ee Shidaalku uu hoos u dhacay oo gaadhay 50% halkii uu markii hore ahaa 70%, ayna weliba u weheliyaan dhibaatooyin kale sida korodhka mujtamaca yemen oo sii labanlaabmaya, musuqmaasuqa, burburka adeegii guud & amniga oo faraha ka sii baxaya.

Waxaa xaqiiqo ah in horumarka ay Alqaacida ka samaysay joogitaankeeda yemen ay keentay ama fure u noqotay in yemen ay ka baxdo culayskii & go'doonkii ay kaga jirtay saxadda caalamiga ah, loona raseeyo malaayiin Doollar si faqriga looga saaro, tan oo dhiirrigelin karta in shucuub wadamo kale oo islaam ah oo la ildaran maciishadda & xukumo Diktaatooriya ay u yeedhaan alqaacida oo ka dalbadaan inay wadankooda farac ka furato taasina ay keento in loo soo jeesto oo dhaqaale loogu yabooho sida hadda yemen & Afganistaan laga sameeyey

waxaa hadda jirta in dunida galbeedku ay hadda wadamada noocan ah ka dalbato oo keliya inay wadankooda ka saaran Shabakadda Alqacida halkii ay markii hore ka dalban jreen inay hirgeliyaan dimuqraadiyadda & Hagaajinta maamulka.

Shabakadda Alqaacida ayaaba iyana dhankeeda waxaaba laga yaabaa inay heshiisyo ku meelgaadha ah oo waqti cayiman leh ay la gasho Shucuubta wadamada ay saaran tahay adkaanshaha helidda maciishada si ay farac uga furato halkaasi oo taasina ay u keento in kuwa ka sii jeedaa ay u soo jeestaan oo malaayiin doollar loogu gargaaro isla markaana ay Alqaacida ka baxdo wadankaasi oo mid kale u talowdo.

Si kastaba ha ahaatee waxa ay xukuumadda yemen u egtahay inay shirkii London ka heshay waxyaabahii ay dalbanaysay oo ahaa midnimada waqooyigeeda & koonfurteeda oo la adkeeyo & Dhaqaalahii ay kaga badbaadi lahayd dhibaatada nololeed ee ka taagan oo loogu yaboohay, hase yeehee arinta in la xuso mudani waxa ay tahay in yemen ay aqbashay shuruudo lagu siinayo taageeradasi oo xitaa ayku jirto in wadankaasi carbeed ee islaamiga ah laga hirgeliyo sinaanta ragga & dumarka, halka sidoo kalena ay yemen u muuqatay md saaxiib dhow la noqotay wadamada maraykanka & Britian oo dagaal kula jira shabakadda Alqaacida oo haymanad ku leh gudaha ciidda yemen & inta la deriska ah ee jasiiradda carabta, halka dhanka kalena aanay deeqdan ay reer galbeedku siinayaan yemen waxba ka tari doonin inay dunida galbeedka ka baajiso weeraradii uu dhowaan ugu ballanqaaday hogaamiyaha Alqaacida Usama Binladan.

Qalinkii Xuseen Kurdi

Allhawd.com

 

Last Updated on Friday, 29 January 2010 12:09