Col. Maxamed Dhulqas oo Warbixin & talooyin Ka Soo Saaray Qaraxyada Laascaanood

Saturday, 30 January 2010 17:09 xusen
Print

Col. Maxamed Jaamac Dhulqas oo ka mid ah mas'uuliyiinta dhanka Siyaasada & Ciidamada ee Deegaanada Buuhoodle, mudana ka mid ahaa jaaliyadda debadda ku nool ka hor intii aanu dalkiisa dib ugu soo noqonin muddo haatan 2 sano laga joogo ayaa warbixin & talooyin ka soo saaray xaaladda qaraxyada ee xarunta Gobolka Sool magaalada Laascaanood, waxaana uu Kornaylka warbixintiisa u dhigay sidan:

(( Dhacdooyinka dhowaanahan ka dhacaya Laascaanood ee Qaraxa qarsoon ah wax faa'iido ah Kuma jirto umana keenayso bulshada awax aan ka ahayn Nacayb dhexdooda ah, nabadgelyo xumo, Barakac, Badhifur, burbur hor leh & nolol qaxootinimo oo qarniga 21 u bilaabanta))

                       Caqliga Wanaagsani maxuu ku talinayaa

Adigoo heli kara xal wanaagsan oo siyaasadeed & ismaamulka gobolkaaga, heshiis & waddo wadahadal ku dhisan danta guud, ta dadweyne, ta dawladeed & ta dhaqan dhaqaale waxaa kuu suurogal noqonaya inaad miiska wadahadalka ku soo bandhigto, Waxa aad Doonayso, waxa aad Diidayso & waxii Dani Tahayba.

Aniga shaqsiyan waxaa ila qumman in bulshada SSB guud ahaanteed haday yihiin Isimada, Siyaasiyiinta, waxgaradka, Dhalinyarada & Qurbajoogaba inay dhamaantood si daacad ah isaga xilsaaraan dhismaha danta guud ee deegaanka, dalka & dadkiisaba. ayuu ku yidhi warbixintiisa Col Dhulqas.

(( Alshabaab ma aha waxa qaraxyadaas fulinayaa waa dad yar oo xagjir ah sida aan qabo hawshooduna waa dib u dhac oo u dhiganta gacantaada isku dil mana aha dan, Diin, dadnimo, Dhaqan, Dhisme & dawladnimo toona laakiin waxay noqonaysaa taloxumo, Tayoxumo & Taariikh Xumo)) ayuu ku soo xidhay warbixintiisa Col Maxamed jaamac.

Allhawd.com

 

 

 

 

 

Last Updated on Saturday, 30 January 2010 17:33