Khilaafkii Kulanka Buurowadal oo banaanka Yimid & Golahii oo Lagu kala Baxay

Tuesday, 09 March 2010 21:34 xusen
Print

Garaad C/llaahi Garaad Soofe oo ka mid ah garaadada gobolka Buuhoodle,isla markaana ka mid ah kuwa ugu tunka weyn ayaa waraysi la yeelatay idaacada VOA waxa uu ku sheegay inuu kalsoonidii kala noqday shirka Garaadada mudaba uga socday tuulada Buuro-Wadal ee gobolka Sool.Garaad C/llaahi ayaa sheegay in shirkaasi uu ka leexday sidii uu ku socday oo dad gaar ahina ay wataan oo puntland lagu burburinayo.

"Waxaan u arkaa shirkaas miid aan guul laga gaadhayn,mid aan dan ugu jirin beelaha deegaankaas.

 

waxaan idiin sheegayaa markii aan indha-indheeyey inaan kalsoonidii kala noqday,waxaana arkaa inaan wax ka soo baxayn shirkaas,wakhti lumisna ah"Sidaas waxaa yidhi Garaad C/llaagi Garaad Soofe oo markaas ku sugnaa xarunta maamilka Puntland ee Garoowe.
Caaqil Maxmuud Cumar Camay oo isna ka mid ah Caaqilada gobolka Buuhoodle oo isna  ayaa sheegay inuu arinkaas ku raacsan yahay Garaadka,isagoo si adag uga hadlay odayaasha shikraas wada oo uu ku tilmaamay kuwo shilimo ku urursanaya.
"Shirkaas waxaa wata dad dan gaar iyaga u ah oo ay leeyihiin ay ku qabsadaan,iyo weliba qurbo joog dibada ka yimid oo shilimo ku urursanaya,waxay leeyihiin wax baan xoraynyaa,ujeedada keliya ee ay shikraas u qabanayaana waa inay Puntland burburiyaan,shirkii baa nidaamkii ka leexday,shirkii wado kale ayuu hayaa"Sidaas waxaa ka dhwaajiyey Caaqil Maxamuud Cumar Camay oo eedayn aan loo meel dayin dusha uga tuuray Garaadada halkaas ku shiraya.
Garaad C/llaahi ayaa ka mid ahaa kuwii ka qayb galay shirkii Buuro-Wadal lagu qabtay,go'aamadana ka soo saaray dhowaan,kuwaasoo lagu dhisi lahaa Khasuusi ansixin lahayd ama diidi lahayd hogaankii lagu soo dhisay Nayroobi.
Hadalkan ka soo yeedhay Garaad C/llaahi ayaa waxa uu noqonayaa waran laba afle ah oo sida la sheegayo ay ka soo shaqeeyaan maamulka Puntland,iyagoo ku qanciyey Garaadka inuu shirkaas baabi'iyo,oo uu noqdo Garaadkii ugu horeeyey oo si cad shirkaas uga hor yimaada,iyadoo ay jiraan kuwo kale oo iyana la aaminsan yahay inaanay shirkaas ogolayn,balse is gaabinaya,iyagoo si weyn talada uga qaata madaxda maamulka Puntland.
Ilaa iyo hada wax hadal ah oo ka soo baxay ma jiro garaadada ku shiraya Buuro-Wadal,iyada oo hadalkaasi,iyadoo la filayo in hadalkani keeni karo burbur ku yimaada dhamaan shirka,iyada oo sidoo kale ay garaadadii badankoodii ku sugan yihiin magaalada Garoowe,oo Buuro-wadal lagaga tagay dhowr Garaad oo aan iyagu wax xidhiidh ah oo fiican aan la lahayn maamulka Puntland,sida garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Jaamac Garaad ismaaciil,iyo Ugaas Faarax Dheere.
Afnugaal News Desk.
Contact: This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Last Updated on Tuesday, 09 March 2010 21:37