Dawlad Doonka Isimada & Dal Doonka Polizario

Thursday, 11 March 2010 17:09 xusen
Print

Xilli ay maamulka Isimoland ku maaweelinayaan jaaliyadda debadda dhismaha dawlad khusuusi oo ay SSB leedahay ayaa dhanka kale waxa ragga ka faalooda siyaasadda qaaradda madow ay is dhinac dhigeen dawladaasi ay doonayan isimadu & dalka ay mudada nus qarniga ah raadinayso jabhadda Polizario ee saxaaraha galbeed, waxaana ay tibaaxeen in dawlad SSB yeelato oo ku timaada dariiqadaasi khusuusidu ay qaadan karto xilli ka badan ka ay jabhadda Polizario ku doonaysay inay hesho dal u gaar ah, waxaana la ogyahay in wadanka saxaaraha galbeed oo ay aqoonsadeen in ka badan 80 wadan oo caalamka ahi, kursina ku leh qaramada midoobay uusan lahayn dhul ayna dawlad u tahay Polizario, dhulka lagu sheegaana ay qayb uun ka tahay wadanka Morocco, tan oo la mid ah qorshaha ay isimadu ku doonayaan inay dawlad kaga sameeyaan SSB oo ka mid ah dhulweynaha Somaliland isla markaana ay ka jiraan oo ka hawlgelayaan hay'adahii maamulka, kuwii cadaaladda, ammaanka & arimaha Bulshadu.

Boqortooyada Morocco ayaan laga yaabin marna inay ka tanaasusho dhulkeeda in laga sameeyo wadan kale, waxaana ay boqorada reer Xasan ee Suudhka isku giijiyaa  qaadeen talaabo loo arkayey inay tahay (weysha gawrac dibigu ha ku quustee) markii ay sanadkii 2002 dagaal la galeen wadanka Spain khilaaf ku saabsan mulkiga jasiirad yar oo ku taalla badda Midetarinian-ka oo masaafada baaxadeedu aanay kaba weynayn 400 M oo wareeg ah ama garoonka kubadda cagta lagu ciyaaro, waxaana ay ahayd taasi mid ay ugu quus dhabaysay jabhadda Polizario.

Waxaana dhulka ay Polizario doonaysaa yahay deegaano ka mid ah boqortooyadaasi Morocco oo ay si caadi ahna uga dhacaan doorashooyinka baarlamaanada & kuwa dawladaha hoose, si caadi ahna ay uga jiraan hay'adahii boqortooyada ee lagama maarmaanka ahaa.

Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in isimadu mujtamaca SSB ka heleen fursado badan oo hadana aanay ka faa'iidayn waxaana qorshayaashoodu mar walba noqdaan kuwo ku khasaara miiska siyaasadda & miidaanka Colaada, tan oo hadda keentay in bulshadu kaga dhawaaqdo meelo kala duwan kelmada Kifaaya ama Bes, maadaama la gaadhay xiligii siyaasadda loo deyn lahaa ehelkeeda.

Allhawd.com

Last Updated on Thursday, 11 March 2010 17:30