Britian oo Madaxweyne Shariif-ka Muqdisho Ka Heshay kalsoonida taageerida Cunaqabataynta Iran

Friday, 12 March 2010 18:45 xusen
Print

Xilli ay xukuumadda Britian soo dhoweyn sare u samaysay Madaxweynaha Somalia ayaa dhanka kale waxaa weli aan in badani la socon ujeedada dhabta ah ee ay Reer galbeedku ka leeyihiin casuumadda ay u fidiyeen Shariif Xasan Sh, Aadan, waxaana xaqiiqadu tahay in safarkiisu qayb ka yahay dadaalkaay USA & Britian ugu jiraan inay helaan taageersta wadamada Islaamka qaarkood marka a gaadho in Qaramada midoobay ay Cd u qaado qorshaha Maraykanka ee ku aaddan Cunaqabatayntaasi, waxaana arintaasi hadda xoog uga shaqaynaya John Bidden oo safar ku maraya wadamada Khaliijka sida Saudi Arabia & UAE, isagoo ingiriiskuna uu kalsoonida taageerista ka helay Madaxweyne Shariif, waxaana muuqata in loogu bedelayo Duqayn lagu samayn doono xeryaha ay Muqdish ku leeyihiin Kooxda Al-shabaab gaar ahaan garabka Pro-Iran ah oo ka shaqeeyey sidii ay Shabaabku uga qayb qaateen dagaalkii Xuutiyiinta ee  lagu tuhunsan yahay inay Iran abaabushay.

Dhanka kalena waxaa Shariif-ka jeebka loogu shubayaa lacago gargaar ah oo uu ku maareyn doono hawlaha madaxtooyadiisa lagu hareeraysan yahay ee magaalada Muqdisho.

Socdaalka uu shariifku ku tegay Uk oo saaxiib la ah Somaliland ayaa waxaa safaaradda Uk ee Addis-ababa ay u sharaxday Wasiirka arimaha debadda ee Somaliland ka hor intii aanu shariif-ku gaadhin London, waxaana Uk oo la ogyahay inay 10% bixiso miisaaniyadda Somaliland, 10% kalena ay ka soo qaaddo Midowga yurub ay iska ilaalinaysaa inuu socdaalka shariifku wax u dhimo xidhiidhka ay la leedahay Somaliland.

Alhawd.com

Last Updated on Friday, 12 March 2010 19:02